Qarax ayaa goordhweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, waxaana kasoo baxaya warar kala duwan oo ku aaddan Qaraxa Caawa dhacay.
Jugta Qaraxa ayaa si weyn looga maqlay qaar ka mid ah degmooyinka Gobolkani Banaadir, waxaana si gaar ah uu uga dhacay Qaraxu agagaarka Tabakaaya Madow ee Degmada Dharkeenley.
Gobjoogayaal ka agdhawaa halka wax ka dhaceen ayaa sheegay in qarax jugtiisa ay si weyn ay u maqleen, balse ilaa iyo hadda aan la xaqiijin karin khasaaraha uu dhaliyay.
Qaraxan Caawa ka dhacay muqdisho ayaa kusoo aaday iyadoo Qarax xooggan oo khasaaro badan dhaliyay uu ka dhacay Muqdisho, waxaana ku dhintay Qaraxaasi 4 Qof halka ku dhawaad 10 kalana wey ku dhaawacmeen kadib Markii Qof Xiran Jaakadda Qaraxa uu isku dhex qarxiyay dad ku Shaahayay Maqaayad ku taalla kasoo horjeedka Xero Nacnac Dagmada Wadajir ee Muqdisho Muqdisho.