Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhaawacantay  qarax gaari oo ka dhacay degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho xili ay ku howlanaayeen Ciidanka Miinabaarista ee Dowladda Soomaaliaya.
Qaraxa aya ka dhacay meel dhowr talaabo u jirta guri Hooyooyinka waxaana bur-bur xoogani soo gaaray Isbitaal ku yaala aaga auu qaraxu ka dhacay sida ay soo sheegayaan weriyaasha Idaacada Dalsan oo garaya goobta ay wax ka dhaceen.
Nooca gaariga qarxay waxa la sheegay in uu ahaa Hari isal marakaana ay ka shakiyeen ciidanku ka hor inta uu san qarxin laakiin waxa saraakiisha Miina barista oo la hadlay Dalsan ay sheegeen in iyagu ay qarxiyeen isla markaana aanu jirin khasaare.