Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay Xaafado ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir.
Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ka dhacay Maqaayad lagu magacaabo SYL oo ku taalla Nawaaxiga Daarta Xaaji Gaaboow ee Degmada Dharkenley,waxaana qaraxaasi uu ahaa mid lagu soo xiray Gaari nooca raaxada ah.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in ay gaareen goobta,isla markaana ay baaritaano ka wadaan halkaasi.