Sadaxdaan Sarkaal ayaa la socday Gawaarida Ciidanka waxayna ku wajahnaayeen kaalin shidaal xiliga uu qaraxu qabsaday waxaana loo dhigay wadada dhinaceeda,
Waxana la aaminsan yahay in qaraxaas ay ka danbeeyaan kooxda al-shabaab sida dowladda Kenya ay sheegtay,
Sadaxda geeriyootay ayaa ahaa Saraakiil ciidan waxayna ka soo baxeen deegaan u dhow gaarissa waxaana la socday ciidan kale waxaa sidaa xaqiijiyay taliyaha gaarissa mohamud ali saleh,
Dhaawacyada qaraxa uu geystay ayaa iyana tiradooda aan la sheegin maadama ciidankii halkaasi soo gaaray ee tirada ka gaabiyeen inay saxaafadda u sheegaan,
Qaraxa ciidanka  lala eegtay ayaa ka soo baxay xarun weyn waxayna la socdeen gawaari waa weyn wararka qaar ayaa sheegaya tirada dhaawacu inuu yahay 8 qof
Deegaanka soomaalida ee gaarissa qaraxyada ka dhaca ayaa sii badanaya sanadkii tagay 2015 ayaana jaamacad ku taala halkaasi la weeraray iyadoona lagu dilay 148 qof kuwaasoo isugu jiray macalimiin iyo arday
Qaraxan iminka dhacay ma jirto cid ilaa iminka sheegatay walow loo tiranayo kooxda al-shabaab kuwaasoo diidan joogitaanka ciidanka Kenya ee dhulka soomaaliya