Wararka ka imaanaya Gobolka Sool ayaa ku warramaya in Qarax Xooggani uu ka dhacay degaanka lagu magacaabo Dharkingee oo 7KM u jira Magaalada Laascaanood ee Gobolkaasi, waxaana Qaraxaasi ka dhashay Khasaarer farabadan.
Qaraxa ayaa ahaa Miino Haraadi ah, waxaana ku dhintay Seddex ruux oo isku Qoys ah iyo 8 Neef oo Geel ah, waxaana la sheegay in Miinada Qaraxday ay tahay Mid haraadi ah oo ka hartay dagaaladii u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya, waxaana sidaasi warbaahinta u Xaqiijiyay Guddoomiyaha degaaanka Qaraxu ka dhacay Zakariye Cabdullaahi Xersi.
Waxaa uu sheegay Guddoomiyuhu in Miinooyinka ay ku badan yihiin degaanka, isagoo intaas ku daray in Xiliyada Roobabka ay Miinooyinka aya bannaanka usoo baxaan, maaddaama Biyaha Roobku ay ka xaaqaan Ciidda ka korreysa Miinooyinka taasi oo keentay in Xoolaha iyo dadku ku istaagaan, waxaana inta badan ay qarxaan Marka uu Geelo ku Istaago.
Inta badan Gobolada dalka ayaa waxaa ka dhaca Qaraxyada Noocaan ah ee Minooyinka haraadi ah ay sababaan.