Jimciyadda Quruumaha Ka dhaxeysa, ayaa mar kale ku boorisay hoggaamiyeyaasha Taliban inay qaadaan tillaabooyin degdeg ah, oo dib looggu furayo dugsiyada sare dhammaantood, sannad ka dib markii kooxdu ay amar ku bixisay in gabdhaha ardayda ah ay ku nagaadaan guryahoodda.
Qaramada Midoobay ayaa waxay sheegtay inay ahayd sannad-guuro naxdin leh, oo ay aheyd in laga xishoodo, oo gebi ahaanba laga baaqsan karayey.
Hey’adda ayaa xustay in ka-saarista joogtada ah ee hablaha dugsiga sare aanay lahayn sabab rasmi ah oo loo qaateyn ah, oo aanay jirin meel kale oo dunida ku taalla, oo sidaasi lagu sameeyo.
Taliban ayaa ogolaatay in iskuulada wiilasha dib loo furo sanadkii hore, bil kadib markii ay la wareegeen gacan kuheynta magaalada Kabul. Laakiin dugsiyada sare ee hablaha ee inta badan dalkani, ayaa wali xiran.
Kooxda Islaamiga ah ayaa sheegtay in wadanku uu u baahan yahay deegaan Islaami ah oo sax ah, kahor inta aan ardayda gabdhaha ah loo oggolaan inay dib u bilaabaan waxbarashadooda.
Horraantii bishaan, qaar kamid ah iskuulada gabdhaha, ayaa dib loo furay magaalada Gardez ee gobolka Paktia, iyadoo ay caawinayaan odayaasha qabaa’ilka iyo macalimiinta, laakiin Taliban ayaa mar kale xirtay.