Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka baay wararka ka imaanaya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socoto qaban qaabada shirka Golaha Amniga Qaranka kaas oo la filayo in uu dhawaan halkaasi ka furmo.
Golaha Amniga Qaranka ayaa waxaa guddoomiye u ah Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,iyada oo maanta laga yaabo in uu u ambabaxo Magalada Baydhabo Madaxweyne Farmaajo.
Golaha Iskaashiga Dowlad goboleedyada oo qeyb ka ah Golaha Amniga Qaranka ayaa weli Baydhabo ku sugan kadib shir halkaasi shalay ugu soo gaba gaboobay,iyaga oo halkaasi ay u joogaan ka qeybgalka shirka Golaha Amniga Qaranka.
Shirka Golaha Amniga Qaranka ayaa horay loogu qabtay Magaalooyin ka mid ah dalka,waxana inta badan looga hadlayaa amniga dalka iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen Madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada.
Magalada Baydhabo ammaankeeda ayaa aad loo adkeeyey,waxana sidoo kale gaari doono Xubno ka socday gobolka Banaadir oo ka mid ah Golaha Amniga Qaranka,iyada oo gaba gabada shirkaas Warmurtiyeed laga soo saari doono.