Waxaa Dalka dib loogu soo celiayay maanta 27 ka mid ah dhaawacyadii 14-kii October ee Sanadkii tagay loo qaaday Dalka Suudaan,kuwaasoo xaaladooda Caafimaad ay soo wanaagsanaatay.
Dadka la soo celiyay waxaa Garoonka Caalamiga ah ee Magaalada Khartuum ka soo sagootiyay qaar ka mid ah Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barta Dalka Suudaan, Jaaliyadda iyo Diplomaasiyiinta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan uu horkacayo sii hayaha Safaaradda Axmed Ibraahim Buurfuule
Bukaanadani ayaa inta badan ka bogsaday dhaawacyadii ka soo gaaray Qaraxii Isgoyska Zoobe ka dhacay 14-kii October 2017,iyagoo ugu dambeyntii Dalka dib loogu so celiyay lagana soo dejiyay magaaalada Muqdisho.
Qaar ka Mid ah bukaanadii Caafimaaday oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa u mahad celiyay dhamaan Soomaalida reer Suudaan sida ay u garab istaageen mudadii ay joogeen Suudaan, sido kale waxey mahad celin balaaran u jeediyeen dowladaha Suudan iyo Qatar sida wanaagsan oo ay ugu fidiyeen gargaarka Caafimaad.
Dhanka kale sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudan Axmed Ibraahim Buurfuule ayaa u mahad celiyay cid walba oo ka qeyb qaadatay gurmadka loo fidiyay Walaalahooda wuxuuna si gaar ah ugu mahad celiyay dowladda Qatar oo bixisay qarashkii ku baxay dhaawacyadaasi, iyo dowladda Sudan oo uu xusay in kaalin mug leh ay ka qaadatay baxnaanada Bukaanadaasi.
Waxaa xusid mudan inay dhaawacyadani ay yihiin qeybtii 5aad ee dib loogu soo celiyo Dalka,iyadoona Xafiiska Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Safaaradda Soomaaliya uu kaalin weyn ka qaatay dib u soo celinta Bukaanadani.