Fagaaro ku yaalla Magaalada Boosaaso ayaa saacadihii lasoo dhaafay ayaa waxaa lagu toogtay saddex Nin oo kal hore Maxkamadda Darajada Koowaad ee Maamulka Puntland ay xukun Dil toogasho ah ku riday.
Raggaas la toogtay oo muddo ku xirnaa xabsi ku yaalla Boosaaso ayaa waxaa lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab, isla markaana laamaha amniga amniga Gobolka Bari ayaa waxaa ay ku qabteen howlgal.
Magacyada ragga lagu fuliyay xukunkii dilka toogashada ahaa ay ku riday Maxkamadda Darajada Koowaad ee Maamulka Puntland ayaa kala ahaa Bishaar Maxamed Xasan, Cabdixakiin Maxamed Faarax iyo Maxamed Xasan Barre.
Puntland ayaa dagaal kulan jirta Al-shabaab iyo Daacish oo ku sugan deegaano ka tirsan maamulkaas, isla markaana waxaa dhinacyada halkaas ku dhexmaray dagaalo geystay Khasaarooyin kala duwan.