Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Shir-guddoomiyey kulanka uu la yeeshay Golaha Wasiirada Dowladda Puntland.
Kulanka oo Madaxweynaha uu ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaa sidoo kale ka qeybgalay La taliyayaal Madaxweyne.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa Golaha uga warbixiyey safarkii uu ku tegay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug oo uu kaga qeybgalay Shirka looga hadlayey Doorashada Soomaaliya.
“Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu Golaha uga warbixiyey Safarkii uu ku tegay dalka Jabuuti iyo shaqadii wanaagsaneyd ee laga soo qabtay Gobolka Mudug oo Madaxweynuhu Safar ku tegay, isagoo booqday degmooyin iyo deegaamo ka tirsan Gobolkaasi.†Ayuu yiri Afhayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jaamac Dabaraani.
Hay’addaha Maamulka waxaa la faray in Shaqadu ay sidoodii hore kusoo laabato, sida gudashada shaqada iyo saacadaha la imanayo Xafiisyada , Iyadoo lasoo saarayo Hab-raacyo kooban oo Caafimaad kuwaasi oo ku saabsan sida loola noolanayo khatarta xanuunka Covid19 .