Maamulka Puntland ayaa maalmo kadib ka hadlay Gabar yar oo si arxan darro ah loo dilay, taasi oo Meydkeeda laga helay xaafad ka tirsan Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari iyo Dil Garoowe loogu geystay Mas’uul ka tirsan Maxkamadda Ciidamada Maamulka.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa waxaa lagu sheegay Xafiiska Difaacaha uu Isha ku haayo dilka gabdha Meydkeeda laga helay Boosaaso iyo dilka kaaliye ka tirsanaa Maxkamadda Ciidamada Puntland.
Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland ayaa laamaha amniga Maamulka faray inay baarirtaano dhab ah ku sameeyaan falalkii ka dhacay Garoowe iyo Boosaaso, iyadoo la ilaaliyo xuquudka qofka lagu tuhmayo inuu falalkaas ku lug lahaa.
Sidoo kale Xafiiska ayaa Hay’addaha Booliska iyo kuwa amniga ee Puntland ka dalbaday inay dhowraan xuquuqda kala duwan ee dadka rayidka, isla markaana sameeyaan taxadar khatar ku ah nolosha dadka.
“Boolisku waa in ay ka taxadaraan isticmaalka hubka iyo rasaasta, ahmiyad weynna siiyaan nolosha bini’aadamka, tuhun walba oo jira waa in loo maraa nidaamka sharciga ah†ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland.
Qoraalkaan ayaa waxaa ku beegmaya, iyadoo dhawaan xaafad ka tirsan Boosaaso laga helay Meydka Gabar yar oo si arxan darro ah loo dilay iyo rag hubeysan oo 21-kii Octeeber Garoowe ku dilay Garyaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi (Jaamuus) oo ka tirsnaa Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Difaacaha Xuquuqda.