Iyada oo maalin qura ay ka harsantahay maalmaha ciidda ayaa maamulka Puntland waxa ay soo saareen go’aano culus oo la xiriira maalmaha ciidda.
Wasiirka cadaaladda arrimaha diinta Dastuurka iyo dhaqancelinta Puntland ayaa Cawil Sheekh Xaamud Maxamed ayaa tilmaamay gebi ahaanba deegaanada Puntland in la joojiyay isu so baxa iyo Salaaddi Ciidda sababo la xiriira xanuunka Corona virus oo caalamka si daran u saameeyay.
Waxa uu sheegay in xukuumadda Puntland ay go’aan ku gaartay in aan la iskusoo bixin iyo in salaadda ciidda qof kasta uu ku dukado gurigiisa.
Wasiirka ayaa dhinaca kalana waxa shaaca uu ka qaaday in la go’aamiyay in dib loo furo dugsiyadii lagu baran jiray qur’aanka oo horay loo xiray sababta ayuu ku sheegay in duruuf dhaqaale ay soo wajahday Macalimiinta.