Guddiga Wacyigelinta ee xanuunka halista ah COVID-19 ayaa maanta kulan is xog-waraysi ah ku yeeshay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka Puntland ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa warbixin ka soo jeedisey xaaladda Caabuqa COVID-19 ee Gobolada Puntland, sidoo kale xubnaha guddiga ayaa is xog-waraysi ka yeeshay saamaynta xanuunkaan iyo sida loo dardargelin karo xakamayntiisa.
Guddiga Wacyigelinta ee xanuunka halista ah COVID-19 ee Puntland ayaa sheegay in dhawaan Magaalooyinka waaweyn ee deegaanada Puntland la geyn doono warshadaha dhaliya naqaska ( oxygen).
Guddiga ayaa waxaa uu dhammaan bulshada Puntland ugu baaqay Qodobadan soo socda:
1-In dhammaan dadka Puntland ku noolaan ay qaataan amarka Maamulka iyo talooyinka bahda Caafimaadka ee xakamaynta khatarta Cudurka halista ah ee COVID-19.
2-In xiliga xagaa baxa, gawaarida dadka Bosaso ka soo qaadaya ay qaadaan ugu badnaan hal-qoys ama dad wada-nool, iyagoo qaadanaya talooyinka bahda caafimaadka.
3-Guddigu wuxuu ugu baaqayaa dhamaan dadka reer Puntland inay qaadataan talaalka Cudurka halista ah ee COVID-19, si loo yareeyo saamaynta xanuunkaan.