Mudo ka badan 4 Maalmood Ciidamada MAAMUL GOBOLEEDKA Soomaaliyeed ee Puntland waxa ay howlgallo ka wadeen deegaano u dhow dhow Buuraha Calmadoow ee Gobolka Bari halkaas oo la rumeysan yahay in ay ku sugan yihiin dagaaltahano ka tirsan Al-Shabaab.
Hawlgalkan oo si joogta ah uga socday deegaanada kala ah Madarshoon,Diindigle,Biyo Madow iyo Mariidle ee Buuraha Cal Madow ayey ciidamadu soo bandhigeen Qalab ay kala wareegeen Al-Shabaab.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Puntland oo Saxaafada la hadlay howlgalka kaidb ayaa wax ay sheegeen in intii uu howlgalk socday ay dagaal ku dileen ilaa 18 Askari oo ka tirsan Ciidamada Al-Shabb sida ay hadlka u dhigeen.
Weli Al-Shabaab dhankooda kama hadlin howlgalka ay Saraakiisha Puntland ku sheegen in ay kula wareegeen fariisimihii Al-Shabaab ee Buuraha Calamadoow ee Gobolka Bari Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.
Hoos ka Daawo Sawiradda