Wasaaradda Caafimaadka Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay inay diwaan-gelisay Dad Cusub oo laga helay Cudurka halista ah ee Coronavirus, kuwaasi oo baaritaano kala duwan lagu sameeyay.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in Cudurka saacadihii lasoo dhaafay Cudurka laga helay laba ruux, kuwaasi oo baaritaano lagu sameeyay, kadibna la ogaaday inay qabaan Cudurka.
Labada Ruux ee laga helay Cudurka oo ah rag ayaa ku kala sugan Gobolada Nugaal iyo Bari, isla markaana waxaa si Deg deg ah loo geliyay xaalad karantiil ah, si aysan u sii faafin Cudurka COVID-19.
Tirada dadka laga helay Cudurka Coronavirus ee deegaannada Puntland ayaa gaartay 180 Ruux, halka 6 qofna ay ugu geeriyoodeen, waxaana ka bogsaday 15 qof, sida ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Maamulka Puntland.