Dowlad Goboleedka Puntland ayaa qaadacday Shirka Caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya oo Maanta ka furmaya Magaalada Muqdisho,kaasi horey loogu qaban jiray dalalka Yurub.
Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay 50 dowladdod iyo qaar kamid ah Madaxda maamul Goboleedyada dalka oo lagu Casuumay inay ka soo qeyb galayaan.
Madaxda lagu Casuumay Shirak ayaa warar la helayo waxaa ay sheegayaan inuu kamid yahay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,hayeeshee uu qaadacay Shirka,isla markaana uu ka baadbay inuu ka soo qeyb galo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir aan wanaasaneyn,iyadoona ay xusid mudan tahay in Madaxweyne Deni uu eedeymo kala duwan u jeediyay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya.