Ciidamada Puntland ayaa saaka waabirigii dib ula wareegay tuulada Af-urur oo muddo bil ku dhaw ay gacanta ku hayeen ururka al-Shabaab iyada oo aan wax dagaal ahi ka dhicin.
Taliye kuxigeenka Ciidanka Daraawiishta Dowlad goboleedka Puntland Axmed Cabdi Xaashi ayaa sheegay in saakey waaberigii ay ciidamadooda dob ula wareegeen deegaanka Af-urur.
Waxa uu sheegay in sinabad ah ay deegaankaas kula wareegeen ka dib howlgal ay sameeyeen sida uu sheegay.
Deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari ayaa waxaa mudo 20 maalmood ah gacanta ku hayey Al-Shabaab ka dib markii ay ciidamada puntland isaga baxeen deegaankaas.