Waxaa maanta wasaaradda caafimaadka Puntland ka dhacay shir la iskugu yeeray shaqaalaha wasaaradda kaas oo lagu faray in shaqada dib ugu soo laabtaan shaqaalihii Covid19 dartiis loogu ogolaaday inay guryaha ku soo shaqeeyaan.
Agaasimayaasha Maamulka & Maaliyada, caafimaadka Guud iyo qorshaynta ayaa shirka kala qaybgalay shaqaalaha.
Agaasimaha waaxda maamulka iyo maaliyada Mohamed Xuseen ayaa ugu horayn shaqaalaha wasaaradda ku amaanay sida wangsan ee ay shaqadooda uga soo baxeen mudadii uu jiray xanuunka safmareenka ah ee Covid19 iyo muhiimada ay uleeyihiin wasaaradda.
Agaasime Mohamed ayaa sheegay in amar ka soo baxay Madaxweynaha Puntland Siciid Abdulaahi Dani lagu faray in shaqada dib loogu soo laabto dhamaan shaqaalaha Puntland ,kadib markii la khafiifiyay shaqalaha xarumaha imaanaya xalaada Covid19 darteed ayna ku shaqaynayeen guryahooda.
Agaasimaha ayaa ugu danbeyn kula dardaarmay shaqaalaha wasaaradda caafimaadka in laga doonayo inay ilaaliyaan waqtiga shaqada, sida ugu wangsana loo shaqeeyo.