Guddiga difaaca Dowlad goboleedka Puntland ayaa Maanta shir jaraa’id ay ku qabteen Magalada Garoowe waxa ay ku shaaciyeen in dhawaan uu jiro dagaal xureyn ah oo lagu qaadayo deegaano ka tirsan gobolka Sool.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdullaahi Timacade oo ka mid ah xubnaha Guddiga ayaa ugu baaqay Madaxweyne Gaas in uu amar ku bixiyo dagaalka lagu xureynayo Gobolka Sool,isla markaana dhammaan Xaduudaha Puntland lasoo xiro.
Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaasi ku darey in Beesha Caalamka ay u sheegayaan in xalka kaliya ee Puntland heyso uu yahay xoreynta deegaanaa ka maqan Puntland ee ku yaalla Gobolka Sool.