Maamulka Puntland ayaa ka horyimid guddi dhawaan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u magacaawday kala saarista shirkadaha u tartamaya fulinta adeegyada xajka ee sannadkan 2019.
Cawil Sheikh Xaamud Maxamed oo ah Wasiirka arrimaha Diinta iyo Dhaqan-celinta Puntland oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in Puntland ay ka soo horjeedo Guddigaas oo ay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya magacaawday,isla markaana markii laga magaacayay aan la tashin lagala sameeyn.
Sidoo kale Cawil Sheikh Xaamud Maxamed ayaa Xukuumadda Soomaaliya ka dalbay inay kusoo wareejiyo qoondada ay ku leeyihiin xujeyda Soomaalida ee gaareysa 11,500 Xaaji.
Ugu dambeyntii Puntland ayaa sheegtay in hadii lagu soo wareejin waayo qoondadeeda ay Go’aan cad ka qaadan doonaan Xukuumadda,isla markaana aysan dowladda dooneyn in wadashaqeyn dhexmarto labada dhinac.