Waxaa xalay lagu guuleystay in Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal laga qaado diyaaradda AirDjibouti oo Arbacadii lasoo dhaafay shil diyaaradeed ku gashay.
Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland ayaa shaacisay in diyaaradii AirDjibouti oo muddo afar maalmood dhex-taallay Garoonka laga qaaday, waxaana muddadii ay halkaas taallay diyaaradda hakad ku jiray shaqada Garoonka oo xirmay.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xoosh Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in shaqadii Garoonka Gen. Maxamed Abshir ay Maanta dib u bilaabatay, isla markaana Garoonka ay diyaaradaha ku soo degi karaan.
Garoonka diyaaradaha Puntland ee Garoowe Magaalada oo leh hal dhabe ama hal run-way ay ayaa diyaaradaas ku dhacday, xili ay dooneysay in ku degto, ayna u bixi waayeen lugaha, waxaana waxyeelo ay kasoo gaartay qeybta dambe.
Ma jirin wax khasaaro nafeed oo ka dhashay diyaaradda AirDjibouti ee ku dhacday Garoonka, isla markaana waxaa saarnaa 34 qof oo isugu jiray rakaab iyo shaqaale, iyadoona duuliyihii waday uu ku guuleystay inuu si xirfadeysan u dejiyo, waxaana markii horey ay ka timid Magaalada Hargeysa.