Waxaa xalay saqdii dhexe dagaal geystay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac Ciidamo kala taabacsan maamulada Puntland iyo Galmudug uu ku dhexmaray duleedka Galbeed ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee dhinaca Maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay dagaalkii xalay ka dhacay duleedka Gaalkacyo.
Waxaa uu sheegay Guddoomiye Axmed in dagaalkaas uu yimid kadib markii Ciidamo hubeysan ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay ku leeyihiin deegaanka Taagera ayna Ciidanka iska difaaceen.
Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa waxaa uu tilmaamay in Ciidankaas hubeysan aysan ka tirsaneyn kuwa Galmudug, wuxuuna xusay inay ahaayeen rag burcad oo is abaabulay, isla markaana doonayay inay sameeyaan falal amni darro ah.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Puntland ayaa xaqiijiyay in Ciidankaas weerarka soo qaaday ay u maleynayaan inay yihiin kuwa Maleeshiyaad ah oo iskood isku abuubulay, balse aysan aheyn Ciidamo Galmudug soo abaabushay.
Ugu dambeyn Axmed Muuse Nuur ayaa waxaa uu sheegay in hal Askari oo ka tirsan Puntland uu dagaalka ku geeriyooday, halka Ciidanka weerarka soo qaaday uu iyaguna uu ka dhintay hal Askari, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in dad shacab ah waxyeelo kasoo gaartay dagaalkaaas ka dhacay duleedka Magaalada Gaalkacyo.