Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa ka hadlay Mowqifka Puntland ee ku aadan Doorashooyinka Soomaaliya ee la filayo inay dalka ka dhacaan dhammaadka sanadkaan ee 2020/2021.
Wasiir Maxamed Dhabancad oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka iyo Madaxda maamul Goboleedyada dalka ka jira looga baahan yahay inay u diyaar garoowan sidii ay u qabsoomi laheyd Doorashada dalka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in dib u dhac ku yimaada Doorashada sababo la xiriira Arrimo laga maarmi karo ay keeni karto Khilaaf hor leh oo ka dhasha Arrimaha siyaasadda dalka, wuxuuna ku baaqay in Doorashada xiligeeda ku dhacdo.
Isaga oo sii hadlaayay Wasiir Dhabancad ayaa waxaa uu tilmaamay in Puntland ka digayso in la qaado talaabooyin aysan qeyb ka aheyn oo ku wajahan arrimaha doorashooyinka ee dalka, xili dalka uu ka jiro Cudurka halista ah ee Coronavirus oo Caalamka oo dhan kusii faafaya.
Ugu dambeyn Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland ayaa tilmaamay inay ka digayaan in dalka ay ka dhacaan Arrimo keeni kara daganaansho la’aan siyaasadeed, isagoo xusay in Puntland ay ka qadaneyso Arrimaha Doorashada mowqif cad.