Ciidamada Ammaan Maamul Goboleedka Puntland ayaa  la sheegay in ay gacanta ku dhigeen lacag aad u farabadan oo degaanada Maamulkaasi si qarsoodi ah loogu kala gudbinayay.
Lacagta ayaa la sheegay in ay gaarayso hal Bilyan oo shilin Soomaali ah, waxaana lacagtaas lagu qabtay Kontoorl u dhexeeya degaanada Al-xamdulilaahi iyo degmada Waaciye, waxaana hadda lagu xareeyay sida wararku sheegayaan Bangi ku yaalla Qardho.
Wararku waxaa ay sheegayaan in Lacagta loo waday Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Maamulkaasi Puntland.