Dowlad Goboleedka Puntland ayaa Sicir-bararka iyo Sare-u-kaca sarrifka maalmihii lasoo dhaafay ka jiray deegaannadeeda ku eedaysay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda Puntland, Cabdi Qowdhan oo la hadlay BBC-da ayaa sheegey in lacagta shilin Soomaaliga ay wayday dowlad dayactirta, wuxuu Dowladda Federaalka ku eedeeyey in ay cashuuraha ku qaado doollar, isla markaasna aysan isticmaalin lacagta dalka.
Sidoo kale Wasiir Qowdhan ayaa waxaa sheegey in Puntland oo keliya laga isticmaalo shilin Soomaaliga, iyaguna ay cashuurta ku qaadaan.
Wasiirka Wasaaradda Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa shalay magacabay guddi dhaqaale oo kasoo tala bixiya xaaladda sarifka, iyadoo maalmaha soo socda ay wasaaradda Maaliyadda soo saari doonto siyaasaddo lugu xakameenayo arrimaha sarifka.
Sicir bararka iyo kor u kaca sarifka dollarka ayaa ka jira Suuqyada Puntland, isla markaana waxaa la sheegayaa in shalay halka Dollar uu sarifkiisu gaaray 47,000 Shilin Soomaali ah.