Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Shirka Iskaashiga Soomaaliya ee shalay ka furmay Magaalada Muqdisho.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in Shirkaas Puntland aysan Qayb-galin,waxaana xusay in sababta uu ku tilmaamay inay tahay in Puntland oo aheyd Hooyadii Faderaalka aan lagala tashan Shirka,isla markaana ay ka arkeen baraha Buulshada.
 “Waxaan aad uga xunahay Shirka noocaas ah intaas le’eg, in Puntland aan laga tala galin in Puntland ay baraha bulshada ka aragtay ajandaha shirka iyo sida uu u dhiganyahay, in Puntland ay ka aragtay waxa loo yaqaan Communique ama wixii kasoo bixi lahaa shirka oo diyaarsan, waxaan ka xunahay markii aan hubsanay inay arrimahaas sidaas ujiraan oo aan talo kulahayn,â€ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.
Dhinaca kale Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Puntlandm Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay wada-hadal furan ay la gasho dowladda Federaalka Soomaaliya,isagoo xusay in Madaxda dowladda ay kul kala duwan yihiin Argtiyada oo kaliya.
Si kastaba Shirka Iskaashiga Soomaaliya ee shalay ka furmay Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb gelin Madaxad maamul Goboleedyada Jubbaland,Galmudug iyo Puntland,iyagoona qaadacay Shirkaas.