Saraakiisha Ciidamada Puntland ayaa saarakiil kale u xilsaartay baaritaanada sababtii ay ku baxsadeen Dhalinyaradii ay Puntland ku qabatay dagaalkii ay Al-Shabaab kula gashay Gobolada Mudug iyo Nugaal Sanadkii 2016.
Warar hordhaca ah oo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Maxaabiista baxsatay oo ka baxsatay goob lagu xanaaneynayay oo ku taalla Magaalada Garoowe ay gaarayeen 13 Dhalinyaro laakin haatan la soo qabtay 8 ka mid ah.
Wararka kale oo an helnay ayaa waxa ay sheegayaan in sidoo kale Puntland ay Xabsiga dhigtay Saraakiil Ciidan kuwaas oo loo heysto baxsashada Dhalinyarada ka tirsaneyd Al-Shabaab balse ka baxsaday goobtii lagu hayay.
Ciidamo isugu jira kuwa ilaalada ka ah Madaxtooyada Puntland iyo kuwo ku sugnaa Goobtii dhalinyaradaas ku xareysnaayeen ayaa loo xirxiray,kuwaas oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen baxsashadooda.
Puntland weli wax faah faahin ah kama bixin Saraakiisha Xabsiga la dhigay,balse weli waxaa socda baadigoob ay ku hayaan dhalinyaradii ka baxsaday Goobtii lagu hayay ee Magaalada Garoowe.