Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug Muumin Cabdishire iyo Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Mudug ahna kusimaha Guddoomiyaha Mudug ayaa gaaray deegaanka xero Jaalle oo ay ka dhacday Shaqaaqo ka dhashay Khilaaf la xiriira arrimaha deegaameynta dhulka.
Deegaanka ay shaqaaqada ka dhacday oo ah dhul Miyyi ah, balse la isku qabtay deegaamayntiisa ayaa wafdigii ka socday Maamulka Puntland ee halkaa tagay ka kaxeeyeen Meleeshiyaadkii goobta isku rasaaseeyay.
Sidoo kale deegaanka xero Jaalle ee Gobolka Mudug ayaa waxaa la geeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Puntland, kuwaasi oo ilaalinaya ilaa inta Xal rasmi ah laga gaarayo.
Wafdiga ka socotay Puntland ayaa kulamo la qaatay Odayaasha labada dhinac, waxaana lagu balamay in si dag dag ah arrintan loo xaliyo Maamulkana garwadeen ka ahaado xalinta shaqaaqooyinka soo noqnoqoday.
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa horay u mamnuucay inaan wax deegaamayn cusub ah la samayn karin ciddi la timaadana Tallaabo Sharci ah laga qaadayo, iyadoona ay xusid mudan tahay in deegaanka xero Jaalle ay ka dhacday shaqaaqo salka ku heysay deegaameynta dhulka.