Dowlad Goboleedka Puntland ayaa mamnuucday in deegaanadeeda aan laga furan karin Xarumaha Qur’aan saarka ama Cilaajka ee dadka looga Quraan saaro Jinka, Isha, Sixirka iyo Cuduro kale.
Qoraal kasoo baxay Xafiisaka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cadaalada Diinta dhaqan-celinta Puntland Maxamed Cali Faarax ayaa lagu sheegay in deegaanada Maamulka aan laga furan karin Xarumaha Cilaajka, xili Magaalada Garoowe ay gaareen wadaado kala duwan.
Sidoo kale Qoraalka Wasaaradda Cadaalada ayaa lagu xusay ilaa iyo inta saxayo habsami u socdka shaqooyinka ay qabtaan Xarumaha Cilaajka aan deegaanada Puntland laga furan karin.
Ugu dambeyn Maamulka Puntland ayaa caddeeyay in ciddii ka dhaga adeegta amarka lasoo saaray laga qaado doono tallaabo sharciga waafaqsan, waxaana Wasaaradda  Cadaalada ay rajeysay in amarkaas la fulin doono.
Maalmo kahor ayaa waxaa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal gaaray wadaadka lagu magacaabo Rusheeye Yare oo aad loogu yaqaano Arrimaha Cilaajinta, isagoona Magaalada Muqdisho ku leh Xarun weyn oo dadka lagu aaso Qur’aanka.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Cadaalada Puntland.