Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa Maanta waxaa ka furmay Shirka Iskaashiga Dowlad Goboleedka Puntland iyo Jubbaland, iyadoona hadlayo Arrimo kala duwan.
Shirkan ayaa waxaa si wadajir ah u daah-furay Madaxweyneyaasha labada Maamul ee Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo maalmo ka gaaray Boosaaso, waxaana shirka ka qeyb galaya Mas’uuliyiin kala duwan oo labada dhinac ah.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Shirkan Iskaashiga u dhexeeya Puntland iyo Jubbaland looga hadlayo Arrimo ku aadan xaalada siyaasadeed ee dalka, Amniga, Dhaqaalaha, iyo Arrimaha dib u eegista Dastuurka, Sharciga Batroolka iyo Doorashada 2020/2021.
Sidoo kale Shitka Puntland iyo Jubbaland ayaa markii uu soo dhamaado waxaa lagu wadaa in qodobo dhowr ah lasoo saaro, kuwaasi oo ku aadan xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrimo kale.