Ku-simaha Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay taliyaha Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).
Kulanka u dhexeeyay Taliye Xijaar iyo Axmed Karaash ayaa waxaa looga wada hadlay inta uu socday sugidda amniga goobaha ay ka dhacayso Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka imaanaya dowlad Goboleedka Puntland .
Sidoo kale labada Mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay’adaha Booliska dalka, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.
“Waxaan ka wada hadalnay sugidda amniga goobaha ay doorashada ka dhacayso iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay’adaha booliiska ee dalka†ayuu yiri Axmed Karaash.
Taliyaha Ciidamada Booliska DFS ayaa Madaxweyne ku-xigeenka warbixin ka siiyey kormeer ay ku sameeyeen xarumaha Booliska Puntland iyo goobaha loo diyaariyay doorashada Soomaaliya.
Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo ayaa saakay kormeeray xarumaha qaar kamid ah goobaha ay ka dhici doonto Doorashada xubnaba Aqalka Hoose BFS eek a imaanaya Puntland.