Guddoomiyaha Barlamanka Federalka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa maanta ku guuleystay Kursiga Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda, kadib, markii uu maanta ka qeyb galay Cod-bixinta xubnaha Maamulka K/galbeed ee uga mid noqonayo Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda.
Prof. Jawaari waxa uu helay 45 Cod, halka Musharxa kale ee kula tartamayey Kursigas oo lagu magacaabo  C/raxmaan Sh. Ibrahim uu helay 5 cod.
Tallaabdda uu Prof. Jawaari ku xaqiiqsaday inuu ka mid noqday Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka soo socda ayaa loo arkaa inay dhabaha u furayso inuu mar kale isku soo taago Xilka Guddoomiyaha Barlamaanka cusub ee Federalka.
Xeeldheerayaasha Siyaasadda ayaa rumeysan in guusha Prof. Jawaari saamayn xooggan ku yeelan karto Loolanka Siyaasiyiinta, gaar ahaan Musharixiinta ka soo jeeda Beelaha hoos taga Maamulka K/galbeed ee ku loolami doona Xilalka Sare ee Qaranka.
Waxaa kale oo la sheegaa inay jiraan Siyaasiyiin aan ku faraxsanayn inuu Prof. Jawaari mar kale ka mid noqdo Xildhibaanadda Barlamaanka soo socda, kuwaasi oo u arka inuu caqabad khaas ah ku yahay si ay uga mid noqdaan Musharixiinta u hanqal taagan yahay xilalka Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha cusub ee Dowladda Federlka.
Siyaasiyiinta ayaa rumeysan in Prof. Jawaari oo  ku siyaasad ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaal u geli doono si uu taageero Ololaha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku doonayo in mar 2-aad la soo doorto.
Si kastaba ha ahaatee, haddii Xildhibaanadda Barlamaanka Federalka ee uu xilligiisu dhamaaday dib loo soo doorto waxay taasi wax weyn ka bedeli doontaa Jihada Siyaasadda iyo Loolanka Musharaxiinta wada hiigsanayo Xilka Madaxweynaha soo socda ee Jamhuuriyadda Federalka Somalia.
©Radio Dalsan