Guddoomiyaha Gobalka Meru ee dalka Kenya ee dartiisa  Qaadka looga joojiyey Somalia ayaa sheegay inuu u baqanayo Noloshiisa, kadib, markii ay soo baxeen Wararka sheegayo inuu sababayey Go’aankii ay Dowladda Federalka isbuucan ku joojiyeen Qaadkii laga keeni jirey Kenya.
Peter Munya oo shalay ka hadlay Xarun Caafimaad oo ku taalla Gobalka Meru  ayaa ku calaaalay inay isaga ku raad joogaan Koox danaysa Ganacsiga Qaadka oo doonaysa inay isaga u dilaan Qaddiyadda Qaadka laga joojiyey Somalia darteeda.
Waxa uu tilmaamay inay Kooxahaasi  dhowr sanno ka hor dileen Dhaqdhaqaaqyahan la oran jirey Ntai wa Nkuruaru oo si adag uga hadli jirey Dhibaatadda Ganacsiga Qaadka.
“Eedeymaha lagu sheegay inaan u sabab ahay Qaadka laga joojiyey Soalia waay nolosheyda gelisay Khatar Waxaana ka baqanayaa Kooxaha daneeya Ganasiga Qaadka inay I soo beegsadaan oo ay keligey I khaarijiyaan†ayuu yiri Peter Munya.
Waxa kale oo uu sheegay in isaga saamayn ku yeelatay hadalkii Danjiraha Somalia u jooga Kenya, Ambassador Jamaal Maxamed Xasan ku sheegay inay Dowladda Somalia u joojisay Qaadka Socdaalkii uu Guddoomiyaha Gobalka Meru, Peter Meru ku tegay magaalladda Hargeysa ee uu kula kulmay Madadxda Maamulka Somaliland.
Ambassador Jamaal Maxaed Xasan oo Wareysi siiyey Wargeyska maalinlaha ee Daily Nation waxa uu xusay inuu Guddoomiyaha Gobalka Meru u adeegsaday Ganacsiga si uu u kala dhantaalo Midnimadda Somalia.
Isniintii la soo dhaafay ayey ahayd markii ay Dowladda Federalka sheegtay inay si KMG loo joojiyey Diyaaradihii Qaadka ka keeni jirtey Kenya.
©Radio Dalsan