Hadal-qoraal oo uu soo saaray Xoghayaha Warfaafinta ee Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka, Peter Cook ayaa waxaa lagu sheegay inay Dowladda Maraykanka iskaashi lagala sameeyey duqeyntii cirka ee ay Maraykanka ku dileen Madixii Amniyaadka ee Alshabaab, Xasan Cali Dhoore.
Qoraalka ayaa lagu sheegay inuu Xasan Cali Dhoore si toos ah ugu xirnaa Hoggaanka Alqaacida, isla markaana dilkiisa hoos u dhigi doonto Hawlgalladda Alshabaab ee ay ku qqorsheynayaan inay weeraro ku qaadaan Dowladda Somalia iyo Muwaadiniintooda iyo Saaxiibadda Maraykanka ee Gobalka iyo dadka Maraykanka ee dibedaha ku nool, waa sidalagu xusay qoraalka.
Hadal ka soo baxay Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka ee The Pentagon ayaa lagu sheegay inay weli qiimeynayaan natiijadda Hawlgalkaasi iyo haddii Hoggaamiyahaasi lagu dilay duqeynta iyo in kale.
Xoghayaha Warfaafinta ee Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka, Peter Cook waxaa kaloo uu xusay  inuu Xasan Cali Dhoore door ka qaatay weerarkii bishii December 25-dii ee sannadkii 2014-kii lagu qaaday Garoonka Calaamiga ee Diyaaradaha ee magaalladda Muqdisho oo lagu dilay dhowr ka tirsan Ciiddanka AMISOM iyo Muwaadin Maraykan ahaa iyo weerarkii Hotel Maka Almukarama lagu qaaday bishii Maarso 27-dii ee sannadkii hore, oo lagu dilay 15 qof.
Hadalka qoraalka ee ka soo baxay Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka, waxaa lagu muujiyey  inuu Madixii Hawlgalladda Amniyaadka Alshabaab qorsheynayey weeraro kale oo lagu qaado Muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan magaalladda Muqdisho.
Bishii la soo dhaafay,  Milliteriga Maraykanka waxay sheegteen inay duqeyn ku dileen ilaa 150 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, kuwaasi oo ku sugnaa Xero Tababar oo ku taalla duleedka Degmadda Buulo-burde ee Gobalka Hiiraan.
Balse, Afhayeenka Alshabaab ugu qaabilsan Hawlgalladda, Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa beeniyey arrintaasi, wuxuuna sheegay in laga badbadiyey tirada lagu dilay weerarkaasi.
©Radio Dalsan
Â