Hadal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Faransiiska ayaa lagu sheegay inay Ciiddanka Ammaanka dileen Ninkaasi, kadib, markii Askar ka boobay qorigiisa.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in lagu kala cararay Garoonkaasi.
Ninka ayaa la sheegay inuu ku cararay Dukaan ku dhex yaalla Garoonka, ka hor intaan meesha lagu  tooganin.
Ma jirto dad kale oo wax ku noqday Weerarkaasi, inkatoo uu isku dhex-yaac badan ka dhacay Garoonkaasi oo ku yaalla Koonfurta magaalladda Paris.
Dhamaan Duullimaadyadii Diyaaradaha ee ku soo wajahnaa Garoonka Orly waxaa loo wareejiyey Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ee Paris Charles de Gaulle oo ah kan ugu weyn magaalladda Paris.
©Radio Dalsan