Wasiirka Arimaha Dibada ee Pakistan Shah Mahmood Qureshi ayaa sheegay in kiiskaasi uu salka ku hayo ku xad gudubka xuquuqul insaanka ee Hindiya ay ka geysaneyso aqlabiyada muslimiinta ee Kashmir, oo labada dal ay ku andacoonayaan in ay si buuxda u leeyihiin maamulka gobolkaa ka jira.
Pakistan ayaa Talaadadii sheegtay inay muranka ay la leedahay India ee ku saabsan Kashmir u gudbisay Maxkamadda Caddaaladda Caalamiga ah, ka dib markii New Delhi ay ka laabatay maqaamkeedii gaarka ahaa ee qayb ka ahayd gobolka horaantii bishaan.
Islamabad waxay si cadho leh uga jawaabtay go’aankaas, waxay goysay ganacsiga iyo iskuxirkii gaadiidkii waxayna cayrisay safiirka India.
Wasiirka arrimaha dibedda Pakistan, Shah Mahmood Qureshi, ayaa u sheegay telefishanka ARY News TV Talaadadii inuu go’aansaday inaan kiiska Kashmir geeyo maxkamadda cadaaladda.
“Go’aanka waxaa la qaatay kadib markii la tixgaliyay dhammaan dhinacyada sharciga,” ayuu yiri wasiirka arimaha dibadda Pakistan.
Afayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada India kama uusan jawaabin hadalkan kasoo yeeray pakistaan. India ayaa beenisay in ay ku kacday xadgudubyo xaga Xuquuqul Insaanka ah oo ka dhacay Kashmir.
Xiisadaha ayaa cirka isku shareeray ka dib markii New Delhi ay qodobka 370 ee dastuurka Hindiya ku oggolaatay in Kashmir gaar u yeesho.
Markii la beddelay xaaladda Kashmir, dawladda Raiisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi waxay sidoo kale xaddiday xorriyadda dhaqdhaqaaqa ee gobolka waxayna jartey khadka internetka iyo khadka taleefanka.
India iyo Pakistan labaduba waxay xukumaan qaybo ka mid ah Kashmir ilaa xornimada 1947 Khilaafka ka taagan gobolka muslimiinta ku badan yihiin wuxuu ahaa goob inta badan ay ay ku dagaalamayaan labadaa dal iyadoo labadii dagaal ee dhax maray labadaa wadan ay dhaceen sanadihii sagaashamaadkii.