Milliteriga labadaasi dal waxay mar kale bilaabeen inay duqeymo isku weydaarsadaan Fariisimadda iyo Tuullooyinka ay kala maamulaan ee Gobalaka lagu murunsan yahay ee Jaamu Kashmiir.
Saraakiisha labada Waddan ayaa sheegay in Ugu yaraan 5 qof oo rayid ah iyo 2 Askari ku geriyoodeen, halka dhowr kalena ku dhaawacmeen duqeymaha maanta ka socda Gobalka Kashmiir.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu dib u bilowday Waaberigii hore ee saakayto, iyadoo hooyo iyo labadeeda carruur ku geeriyoodeen qeybta ay Hindiya ka maamulaan Kashmiir.
3 qof oo kale ayaa iyagana la sheegay inay geeriyoodeen, kadib, markii Madfac ay soo tuureen Milliteriga Pakistan ku habsaday Hoygooda oo ku yaalla Gobalka Boonj oo ku dhow Khadka labada qeyb ee u kala qeybiya Kashmiir.
Dhinaca kale, Nin iyo wiil yar ayaa iyagana ku geeriyootay duqeyn ay Milliteriga Hindiya la beegsadeeb Deegaanka Nakiyaal ee dhinaca Pakistan.
Hadal-qoraal oo ka soo baxay Milliteriga Pakistan ayaa lagu sheegay in 2 ka tirsan Ciiddankooda ku geeriyoodeen Deegaanka Nakiyaal, kadib markii ay Labada Ciiddan isweydaarsadeen rasaas xooggan.
Dagaalkan ka soo dhex cusboonaaday Milliteriga dalalak Pakistan iyo Hindiya, ayaa ku soo beegmay, iyadoo ay Dowladda Pakistan sii daysay Duuliye u dhashay Hindiya oo Diyaaradiisa oo nooceedu ahaa MIIG 21 lagu soo riday gudaha dalka Pakistan maalintii Arbacadii la soo dhaafay.