Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xalay waxaa ka dhacay kulamo xal loogu raadinayo Khilaaf siyaasadeed oo ka taagan Baladweyne,kaasi oo ka dhashay Amar ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulamadan oo u dhexeyay Odayaasha dhaqanka iyo Saraakiil ka socota dowladda oo ku sugan halkaas ayaa waxaa xal loogu radinayay Khilaafkii ka dhashay ka soo baxay Amarkii dowladda Federaalka ku bixiyay in Ciidamo laga qaado Baladweyne,isla markaana lagu daabulo deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud gaar ahaan Magaalada Dhuusamareeb.
Odayaasha dhaqanka Baldweyne ayaa diiday in Ciidamo ka qaado Baladweyne,iyagoo dowladda ku eedeeyay inay fargelin ku heysto shacabka Gobolka Hiiraa,taasi aan loo dul qaadan karin.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulankii u dhexeeyay Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiishii dowladda u dirtay Baladweyne uu kusoo dhammay Isfaham wadaa,isla markaana lagu soo kala tegay sida la xaqiijiyay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa in Ciidamo la qaado Magaalada Baldweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan lana geeyo deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud si ay u xoreyan deegaano halkaas ay kaga sugan yihiin Al-shabaab.