Dhowrkii Toddobaad ee la soo dhaafay Dhallinyarada Soomaalida ku nool magaalladda Borlänge ee dalka Sweden waxay joogto ka dhigteen inay dagaal la galaan Ilaaladda la socota Basaska ka shaqeeya magaalladaasi.
Shirkadda Dalatrafik ee leh Basaska waxay la kulmeen Ururka Odayaasha Soomaalida ku nool Borlänge, waxayna isku af garteen inay Odayaasha la wareegaan Sugidda Ammaanka Basaska, iyadoo Ilaaladii hore shaqada laga eryay.
Odayaasha Soomaalida waxay Shirkada u soo bandhigeen in ay diyaar u yihiin in ay ka caawiyaan arimaha la xiriira dhalinyarada Soomaalida oo horey dhibaatooyin ugu geystay basaska, iyadoo 22 ka mid ah xubnaha ururka odayaasha bilaabeen in ay raacaan basaska ka shaqeeya Linje 3 si ay u sugaan ammaanka dadka rakaabka.
Bengt Benjaminsson oo ka tirsan Dalatrafik ayaa si weyn u soo dhaweeyay shaqada odoyaasha Soomaalida, isagoo sheegay in dhaqamada qaarkood ay fiican tahay in dhalinyarada si degan loola hadlo oo ay odayaasha xushmeeyaan.
Abdi Haji Abdullahi oo ah gudoomiyaha ururka odayaasha ayaa warbaahinta u sheegay in uu rajeynayo in dhalinyaradu ay dhagaysan doonaan odoyaasha.
Si kastaba ha ahaatee, Shirkada Dalatrafik ayaan  wax mushaar ah siin doonin Odayaasha, balse, taasi beddelkeeda waxaa laga bixinayaa Kiradda Xafiiska Ururka Odayaasha Soomaaliyeeed ee magaalladda Borlänge iyo iyadoo Odayaasha lacag la’aan ku raaci karaan Basaska Shirkadda Dalatrafik.
Xigasho: Somaliska
©Radio Dalsan