Wararka aan ka heleyno Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay sheegayaan in xabsi halkaas ku yaalla lagu xiray Nabadoono, kuwaasi oo dhaliil u jeediyay Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Puntland ayaa qabtay labada Nabadoon oo lagu kala magacaabo Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax, isla markaana waxaa la dhigay Xisbi ku yaalla Boosaaso, kadib markii shalay ay sheegeen in Puntland aysan fulin heshiisyo ay la hashay dowladda Imaaraadka Carabta.
Sidoo kale Odayaasha  oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ay sheegeen in Xukuumadda Madaxweyne Deni looga baahna inay fuliso balan-qaadyadii waqtiga doorashada, iyagoona kasoo horjeestay heshiiskii Shirkad laga leeyahay Imaaraadka loogu wareejiyay DP world iyo Garoonka diyaaradaha Boosaaso.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax lagu xiray Amar kasoo baxay Saraakiil ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland, iyagoona markii dambe xabsiga la dhigay.
Puntland ayaa dhowr jeer xirtay Odayaal iyo Siyaasiyiin ka soo horjeestay Xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, iyadoo markii dambe qaarkood la siiyay.