Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ iyo Hay’adda Warbaahinta Madaxa Bannaan ee SIMHA ayaa si wadajir ah u cambaareeyey Hawlgal ay Ciiddanka Sirdoonka Qaranka ee NISA xalay ku xireen Tifaftirihii Wargeyska Maalinlaha ee Xog-ogaal, Cabdi Aadan Guuleed.
NUSOJ iyo SIMHA waxay ugu baaqeen Hay’addaha Ammaanka inay xushmeeyaan Xorriyadda Hadalka iyo Madax-bannaanida Saxaafadda.
Xoghayaha Guud ee Ururka NUSOJ, Maxamed Ibrahim Macallimu waxa uu ku baaqay in si sharuud la’aan ah loo sii daayo Tifaftiraha Wargeyska Xog-ogaal, Cabdi Aadan Guuleed.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Dalladda Suxufiyiinta Madaxa-bannaan ee SIMHA, Xasan Cali Geeseey ayaa isagana ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan Wargeyska Xog-ogaal loogu celiyo Qalabka ay NISA ka qaadeen Xafiiska Wargeyskaasi.
Sida laga soo xigtay Madaxa Daabacadda ee Wargeyska Xog-ogaal, Maxamed Maxamuud Aadan, xubno ka tirsan Hay’adda NISA ayaa xoog ku galay Xafiiska Wargeyska, isla markaana ay qaateen Qalabkii Daabacaadda, ka hor intaysan xirin Tifaftiraha Wargeyskaasi, Cabdi Aadan Guuleed.
“Ma naqaano sababaha ka dambaysay Xariga Tifaftiraha iyo xaalladda uu ku sugan yahay†ayuu yiri Madaxa Daabacaada ee Wargeyska Xog-ogaal.
Wargeyska Maalinlaha ee Xog-ogaal waxa uu ka mid yahay Wargeysyadda fara-ku-tiriska ee soo shaqeeyey muddadii lagu jiray Dgaalladda Sokeeye, wuxuuna Wargeyska dhawaan u dabaal degay 26-guuradii ka soo wareegtay Asaaskii Wargeyska Xog-ogaal.
Dhinaca kale, Wargeyska Xog-ogaal waxaa asaasay, isla markaana Milkiile ka ahaa Alla U Naxariistee Maxamed Aadan Guuleed (Caana-geel) oo ahaa Guddoomiye-xigeenka dhiunaca Siyaasadda ee Maamulka gobalka Banaadir, kaasi oo lagu dilay Qarax ka dhacay Hotelka Central ee magaalladda Muqdisho 20-kii bishii Feberaayo ee sannadkii hore.
©Radio Dalsan
Â