Shir-sannadeedka NORD ee 2015 Â ayaa waxa uu ka furmay caasimadda dalka Norway ee Oslo ,waxaana Hal-ku-dhegga Shirka ee sannadkan yahay Xuquuqda Haweeneka, sinnaanta Ragga iyo Dumarka (The 2015 Norad Conference was Women’s rights and gender equality).
Waxaa kaloo shirkaasi lagu soo hadal-qaaday  Arrimaha Haweenka, Nabadda, Ammaan-dhisida iyo Difaacayaasha Xuquuqda Haweenka (Women Human Rights Defender) .
Agaasimaha Fulunta ee Hay’adda Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika The East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project (EHAHRDP) Dr. Hassan Shire oo ka hadlay Shirkaasi ayaa waxay Ka-qeybgalayaasha isla wadaageen Khataraha ay la kulmaan Haweenka Suxufiyiinta ee ka dhex shaqeeya goobaha ay Colaadaha Hubeysan ka socdaan, gaar ahaan dalka Somalia.
Waxa uu tilmaamay inuu dalka Somalia ka mid yahay dalalka sida xooggan loogu dhibaateeyo Suxufiyiinta iyo Dadka u ololeeya Xuquuqda Aadanaha, wuxuuna ku dheeraaday Halgankii Suxufinimo ee Allaha U Naxariistee Weriye Hindiya Xaaji Maxamed, wuxuuna ku tilmaamay inay ahayd Haweeney Ku-dayasho Mudan.
Dhinaca  kale, Ka-qeybgalayaasha Shirweynaha ka dhacay caasimadda dalka Norway ee Oslo  oo tiradooda dhan tahay 600 oo qof waxay Baroor-diiq  hal daqiiqo oo aamnusnaan ah u sameeyeen Saxafiyadda Soomaaliyeed ee Hindiya Xaaji Maxamed, oo Khamiistii hore lagu dilay magaalladda Muqdisho.
Saxafiyadda oo ka hawlgeli jirtay Warbaahinta Qaranka ee Radio Muqdisho iyo Telefishinka SNTV waxay u geeriyootay dhaawacyo ka soo gaaray qarax loogu rakibay gaarigeeda.
Si kastaba ha ahaatee, Tiradda Suxufiyiinta Haweenka ee lagu dilay dalkeenna Somalia, waxay dhan yihiin 3 weriye, iyadoo dhinaca kalena 6 Saxafi lagu dilay Somalia.sannadkan sii dhamaanayo.
© Radio Dalsan      Â