Ciidamada amaanka dowlada federaalka Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay Xubin ka tirsanaa Al shabaab oo maanta walxaha qarxa ku xiray gaari yaalay Isgoyska 14-October Ex, Soobe ee magaalada Muqdisho.
Barta Tuweeterka ee hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee Nissa ayaa lagu shaaciyay magaca shaqshiga oo lagu soo koobay Xudeyfe, iyo muuqaal uu kaga hadlayo qaabkii uu gaariga ugu xiray qaraxa iyo qaabkii loo soo qabtay.
Qofkan oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa la qabtay daqiiqado ka dib markii uu qarxay, gaari nuuca raaxada ah oo uu qarax kula xiray aga-gaarka Isgoyska 14-ka October Ex, Soobe. Ee Magaaladda muqdisho
Sikastaba Maata Duhurnimadii ayay Aheyd markii qarax Gaari lagu xiray uu ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaaladda Muqdisho