War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa waxaa lagu shaaciya in gacanta lagu dhigay xubin ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Qoraal kooban oo lasoo dhigay barta twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamada Ammaanka ay gacnata ku dhigeen xubin Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaatka,isla markaana ku sugnaa Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.
Sidoo kale NISA ayaa sheegtay in Eedeysanahaan uu ka howlgali jiray degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa,kaasi oo lagu tugmayo inuu ka dambeeyay dilal qorshaysan oo dad shacab ah loo gaystay.
NISA mashaacin Magaca shaqsiga ay soo qabteen ee Al-shabaab u qaabilsanaa Amniyaatka,isla markaana ku sugnaa Demada Shibis ee Gobolka Banaadir.
Ciidanka amniga ayaa gacanta kusoo dhigay dhagarqabe Amniyaatka Alshabaab ah oo ku sugnaa degmada Shibis. Eedaysanahan oo ka howlgali jiray degmooyinka Yaaqshid & Heliwaa ayaa lagu tuhmayaa inuu ka danbeeyay dilal qorshaysan oo dad shacab ah loo gaystay.
— NISA (@HSNQ_NISA) April 23, 2019