Eedeysanahaasi oo lagu magacaan=bo Brenton Tarrant oo 28 jir ayaa saakayto ka soo muuqday Maxkamad ku taalla magaalladda ChristChuirch ee uu shalay ku dilay 49 qof oo Muslimiin ah.
Eedeysanaha waxaa Maxkamadda la keenay isagoo gacmaha ka xiran, kuna labisan dharka Maxaabiista, isla markaana uusan wax kabo ah xirnayn.
Garsoore Paul Kellar waxa uu ka codsaday Weriyayaasha inaysan toos u soo bandhigin Sawirka Eedeysanaha, balse ay ku furaan shucaac, iyadoo uu Eedeysanaha si aan libidhsi lahayn u eegayey Kaamerooyinka Suxufiyiinta soo buux dhaafiyey Maxkamadda.
Eedeysanaha waxaa lagu soo oogay fal-dembiyeed dil ah, iyadoo uu Garsoore Paul Kellar dib u dhigay dhegeysiga Kisikaasi ilaa bisha soo socota ee April 5-da.
Dhinaca kale, 2 Eedeysane ayaa weli lagu hayaa Baaris, iyadoo ay Boliska ku hawlan yihiin inay ogadaan doorkii ay ka qaateen weerarkii shalay lagu dilay 49 qof oo muslimiin ah, kuwaasi oo ka mid ahaa dadkii Salaaddii Jimcaha ku tukanaysay 2 Majid oo ku yaalla magaalladda ChristChuirch ee dalka New Zealand.
Shaqaalaha Caafimaadka waxay sheegeen in 39 qof oo dhaawacan lagu daawaynayo Isbitaalladda, kuwaasi oo 11 ka mid ah xaalladooda liidato oo ay ku jirto gabay yar oo 4-jir ah.
Marxuuminta ku geeriyootay weerarkaasi waxaa ka mid ah kuwo ka soo kala jeeda dalalka Sacuudiga, Somali, Turkiga, Urdun, Bangaladesh, Malaysia iyo Indonesia, iyadoo dadka geeriyooday ka mid ahaayeen haween iyo carruur.