Ninkaasi oo magacisia lagu sheegay Ismail Bozbay ayaa la sheegay inuu shalay dilay Maamulkiisa oo uu muran kala dhexeeyey.
Boliska dalkaasi ayaa sheegay inuu Eedeysanaha toogasho ku dilay Maamulihiisa oo lagu magacaabi jirey Ahmed Kuzgun, xilli uu Salaad tukanayey.
Dhacdadaasi ayaa la sheegay inay ka dhacday Gobalka Sakarya, iyadoo uu Eedeysanuhu baxsaday dilkaasi.
Boliska oo ninkaasi ka baadi-goobay Gurigiisa ayaa waxay la anfariireen markii ay arkeen Eedeysanihii, Xaasakiis iyo ilmo yar oo ay dhaleen oo wada mayd ah, oo ay xabado ku yaallaan.
Warbixino hordhac ah ayaa sheegayo inuu Ismail Bozbay dilay xaaskiisa iyo cunugta yar, kadibna uu gacanta isku khaarijiyey.