Muwadin Somali-American ah oo lagu magcaabo Ibrahim Mohamed, ayaa waxaa uu noqday muwaadinkii ugu horeeyay ee soomaali ah oo xubin ka noqda gudiga Maddaarada Minneapolis-St. Paul  International Airport iyo lix garoomo diyaaradeed oo aad u yar yar  oo ku yaala Gobolkaasi.
Mr Ibrahim ayaa waxaa habenkii Talaadada lagu casuumay, xaflada Coyle Brian, waxaana lagu daray liiska 14 xubood oo gudiga Madaarka katirsanaa.
Muwadinka soomaaliga ayaa waxaa kasoo howlgalay Garoomada Diyaaradaha uu kasoo shaqeyay mudo  11 sano ah.
Muwadinkan Soomaali-Amrican ka ah oo lagu magcaabo Ibrahim Mohamed, ayaa waxaa uu heshiiskiisa uu dhacayaa sanadka 2019, waxaana dalka soomaaliya uu ka tagay sanadkii 2004 waxana uu leyahay shan carrruur ah, waxaana uu ku noolyahay Rosemount.