Cali Mohamed oo 21-jir ayaa la sheegay inuu toogtay Walaalkiisa ka yar oo mindi ku soo weeraray.
Isagoo la hadlay Telefoonka 911 ayaa sheegay inuu caloosha ka dhawaacay Walaalkiisa ka yar oo la oran jirey Maxamuud Maxamed oo 19-jir ahaa.
Cali Maxamed ayaa tilmaamay inuu Walaalkiisa ku soo weeraray Tooreey, balse uu iskaga difaacay Qorigiisa, isagoo xabbad kaga dhuftay Caloosha.
Marxuumka ayaa la sheegay in loola cararay Isbitaalka, balse, waxa uu  9 saacadood kadib ku geeriyooday Xarunta Caafimaadka ee Ohio Health Grant Medical Center.
Wargeyska The Columbas Dispatch ayaa qoray inay Toogashadaasi ka dhacday Xaafad ka tirsan magaalladda Columbas ee Gobalka Ohio, iyadoo Ninka wax dilay oo haystay Qori Sharciyeysan uu ku wareejiyey Baarayaasha.
Saddex Alifle Dave Sicilian waxa uu tilmaamay inay Toogashadaasi ahayd mid Is-difaac Nafsadeed, wuxuuna dhanka kale xusay in baaritaan lagu hayo maydka Marxuumka la dilay.
Toogashadda Marxuum Maxamuud Maxamed ayaa noqotay dilkii 106-aad ee sannadkan ka dhaca magaalladda Columbus ee Gobalka Ohio ee dalka Maraykanka, waana tiraddii dilkii ugu badnaa ee la diiwaan geliyo 7-dii sanno ee ugu dambaysay.
Sannadkii 2008-dii, 109 qof ayaa lagu dilay magaalladaasi.
©Radio Dalsan