Wakaalladda Wararka Talyaaniga ee ANSA ayaa maanta ka soo xigatay Ninkaasi inuu beeniyey inuu yahay Iimaam.
Ninkaasi oo hataan ku jira gacanta Boliska waxa uu beeniyey inuu yahay Iimaam Masjid, isagoo xusay inay jiraan 3 ilaa 4 qof oo iyaga ka mid ah , kuwaasi oo uu marba qof hoggaamiya Tukashadda Salaadda.
Waxa kale oo uu beeniyey Eedeymaha lagu sheegay inuu weeraro Argagixiso ka geysan lahaa magaalladda Rome iyo inuu taageeray Weerarkii Daacish ku qaadeen caasimadda dalka Faransiiska bishii November 13-dii ee sannadkii hore.
Boliska Talyaaniga waxay Ninkaasi Soomaaliga ee  22-jirka ah Arbacaddii hore ka soo qabteen Xero Qaxooti oo ku taalla meel ku dhow Degmadda Kampobasso ee ee Gobalka Molise ee Koonfurta Talyaaniga.
Ninkaasi waxaa lagu eedeeyey inuu weerari lahaa Saldhiga laga raaco Tareenadda ee ku yaalla caasimadda dalka Talyaaniga ee Rome iyo inuu ku baraarujinayey Qaxootiga kale inay noqdaan Is-qarxiyayaal iyo inay aadaan Rome  iyo inay weerarka ka bilaabaan Saldhigga laga raaco Tareenadda.
Madaxa Xeer-ilaalinta ee magaalladda Campobasso, Armando D’Slterio ayaa sheegay inay hayaan caddaymo xooggan oo muujinaya inuu Ninkaasi qorsheynayey weerar Argagixiso oo ka dhaca magaalladda Rome.
Boliska Talyaaniga waxay sheegeen inay dad la tukan jirey Iimaamka ay joojiyeen inay la tukadaan, kadib, markii ay ku arkeen Xag-jirnimo iyo isagoo ammaanay Weerarkii ay Daacish ku qaadeen caasimadda dalka Faransiiska ee Paris bishii November 13-dii ee sannadkii hore oo lagu dilay 130-qof.
Waxa kale oo uu Qaxootiga ku booriyey marka ay qaataan Dukumentiga Talyaaniga inay Jihaad u aadaan dalka Syria, waa sida laga soo xigtay Hay’addaha Ammaanka ee dalkaasi.
Boliska Talyaaniga waxay kaloo sheegeen inay muddo dhowr bilood Kaamerooyinka Qarsoon (CCTV) kala socdeen Dhaqdhaqaaqa Iimaamkaasi, waxayna soo bandhigeen caddaymo Muuqaal Video oo uu ku taageerayey Kooxda Daacish, waa sida ay Boliska sheegeen.
©Radio Dalsan