Dowladda Turkiga ayaa la sheegay inay bilaabeen baaritaanka qaabkii Ninkaasi dib loogu celiyey dalkiisa, oo uu horey uga soo baxsaday.
8 Sarkaal oo ka tirsan Hay’adda Socdaalka ee ka hawlgala Garoonka Diyaaradaha ee Ataturk Airport ee magaallaffa ayaa la sheegay in lagu hayo baaritaan la xiriira masaafurinta Ninkaasi oo lagu magacaabo Maxamed C/Xafiid Cabdul-xaq Axmed Xuseenoo 28-jir ah, kaasi oo isagoo maqan ay Maxkamad ku taallo dalka Masar ku xukuntay dil bishii July ee sannadkii 2017-kii.
Maxamed C/Xafiid Cabdul-xaq oo loo yaqaano Macamed C/xafiid ayaa ku eedeysnaa inuu qeyb ka ah shirqool lagu dilay Xeer-ilaaliyihii Guud ee dalka Masar, Hishaam Barakaat.
Hadal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha magaalladda Istanbuul waxa uu sheegay inuu Guddi u saaray baaritaanka Masaafurinta Ninkaasi oo lagu eedeynayo inuu xubin ka ahaa Ururka Akhwaanul Muslimiinka Masar.
La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha Turkiga oo lagu magacaabo Yaasiin Aktali ayaa isagana laga soo xigtay in Ninkaasi bishii Janaayo 17-dii loo masaafuriyey caasimadda dalka Masar ee Qaahira, kadib, markii ay Saraakiisha Garoonka Diyaaradda ku heleen inuu watay Dal-ku-gal ama Fiiso Macmal ah oo la been abuuray.
Dhinaca kale, qoraal gudaha oo ay is-dhaafsadeen xubnaha Ururka Akhwaanul-muslimiinka Masar ee ku sugan gudaha dalka Turkiha ayaa sheegay inay Maamulayaasha Turkiga iyo Waaxda Socdaalka ee dalkaasi la xiriireen dabayaaqadii bishii Janaayo, isla markaana ay u xaqiijiyeen in Maxamed C/Xafiid Cabdul-xaq loo masaafuriyey Qaahira.
oraalka waxaa kaloo xusay inay qaar ka mid ah saaxiibadda Ninkaasi oo ku sugan Istanbuul iyo Muqdisho ay isaga hagayeen, isla markaana ay kula taliyeen inuu Magangelyo Qaxootinimo heli doono haddii uu tusiyo Dukumentiyadiisa ku cad Xukunkiisa dilka ahaa.
Sarkaal Turkish ah oo aan magacisia la shaacinin oo la hadlay Shabakdda Isha Bariga Dhexe (Middle East Eye) loona soo gaabiyo M.E.E. ayaa sheegay inay Saraakiisha Garoonka Istanbuul u sheegeen Maxamed C/Xafiid Cabdul-xaq  in dib loogu celiyo Muqdisho oo uu horey ka dhoofay, balse uu door biday in lagu celiyo magaalladda Qaahira.
Si kastaba ha ahaatee, Baraha Bulshadda, gaar ahaan Whatsapp-ka waxaa la soo dhigay Ninkaasi oo garba-duub u xiran oo fadhiya Kursi ka mid ah Diyaaraddii dib ugu celisay Qaahira.